Taageerayaasha hogaamiyahii Wagner oo si qarsoodi ah u sagootiyay

Image

MOSCOW, Ruushka - Afhayeen u hadlay Kooxda Wagner ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay, Talaadadii, in si qarsoodi ah loo qabtay mumsaabad lagu sugootinayo hogaamiyaha kooxda, Yevgeny Prigozhin.

Afhayeenka Wagner ayaa hadal kooban oo uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in si qarsoodi ah loo qabtay "munaasabad lagu sagootinayo" hogaamiyihii kooxda Yevgeny Prigozhin oo ku dhintay shil diyaaradeed todobaadkii hore.

Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo xigatay bayaanka: "Kuwa doonaya in ay sagootiyaan hogaamiyaha Wagner waa in ay tagaan xabaalaha Porokhovskoye ee magaalada St. Petersburg”.

Warbixino hore oo warbaahintu ka soo saartay aaska Prigozhin ayaa tilmaamaya in qabuuraha kale ee ku hareeraysan magaalada ay suurtogal tahay in lagu aaso. balse Ilaa haatan ma cadda hadii Prigozhin la aasay.

Prigozhin, oo Putin ku kalsoonaa, noqdayna "khaa'inul waddan", ayaa la dilay Arbacadii, laba bilood ka dib markii uu amar ku siiyay ciidamadiisa inay afgembiyaan hoggaanka militariga Ruushka, taasoo dadka indha-indheeya siyaasadda ay u arkeen caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda awoodda Putin tan iyo markii uu xukunka qabtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM