Wadahadalkii Taliban iyo Mareykanka oo lasoo afmeeray

Image

DOHA, Qadar - Wafuud ka kala socotay Taliban iyo Mareykanka ayaa wadahadalo "miradhal ah iyo heer sare ah" ku yeeshay caasimada Qadar ee Dooxa, sida uu shaaca ka dhigay sarkaal Ameerikaan ah.

Wadaxaajoodyada ayaa, sida ay warisay warbaahinta, waxaa diirada lagu saarey amniga, walwalka "argagixisada", xuquuqda haweenka iyo gabdhaha si lamid ah daadgureynta dadka Afghanistan.

Wadahadaladan ayaa ah kii ugu horeeyay oo fool-ka-fool u dhexmara Mareykanka iyo Taalibaan tan iyo markii kooxda hubeysan ay dib u qabsatay taladda Afghanistan 15-ka bishii August ee sanadkan 2021.

"Wadahadalada waxay ahaayeen kuwa miradhal ah oo heer sarre ah. Wafdiga Mareykanka wuxuu Taliban kaga go'aan qaadanayaan ficiladooda. Ma tixgelin doono hadalkooda," ayuu yiri Ned Price, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Price ayaa intaas ku daray in dhinacyada ay sidoo kale isla soo hadal-qaadeen taageerada Washington ee Afghanistan iyo xuquuqda muwaadiniinta Ameerikaanka ee ku nool Afghanistan.

Kooxda Talibanka ayaa dib ula wareegtay awoodda Afgaanistaan ​​bishii Ogosto waana ku dhawaad ​​20 sano kadib markii xukunka lagaga tuuray duullaankii uu Maraykanku hoggaaminayey.

Duulaankaas ayaa ka dambeeyay markii ay diideen in ay soo gacan-geliyaan hoggaamiyihii Al-Qaacida Osama bin Laden wixii ka dambeeyay weeraradii September 11, 2001 ee Maraykanka.

Kooxda xiriirka la leh ururka Daacish ee ISIS-K ayaa sare u qaadday weerarada ay ka geysanayaan waddankaas , gaar ahaan bartilmaameedka bulshada Shiicada Hazara. Jimcadii 50 qof ayay ku dileen Masjid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM