Taliban oo magaca ka badashay wasaarada haweenka

Image
Talaabadan ayaa dad badan oo u dooda xuquuqda haweenka waxay ku qeexeen mid lagu caburinayo dumarka.

KABUL, Afghanistan - Taalibaan oo 20-sano kadib dib ula wareegtay talada Afghanistan ayaa magacii wasaaradda haweenka dalkaas u badashay "Faafinta wanaagga iyo ka-hortagga Xumaanta".

Talaabadan waxay dad badan oo u dooda xuquuqda haweenka waxay ku qeexeen mid lagu caburinayo dumarka ayna xoojineyso hubanti la'aanta soo wajahadey haweenka markii kooxdu soo laabatay.

1990-kii oo kooxda ay markii ugu horeysay talada dalkaas qabatay waxay gabdhaha iyo haweenka ka joojiyeen waxbarashada kana mamnuucay nolosha dadweynaha.

Geesta kale, Wasaaradda Waxbarashada ee ay maamusho Daalibaan ayaa ugu baaqdey wiilasha fasallada 7aad illaa 12aad inay ku soo laabtaan dugsiga Sabtida maanta ah iyaga iyo macallimiintoodii ragga ahaa, laakiin lama sheegin gabdho ku jiray fasalladaas oo ku soo noqonaya dugsiga.

Kalkii hore, wasiirka tacliinta sare ee Taalibaan ayaa daaha ka rogay in gabdhaha iyo wilasha si siman loo siin doono waxbarashada, inkasta oo ay ku jiraan goobo lagu kala saarey.

Dhanka kale, saddex qarax ayaa lagula beegsaday baabuur ay leeyihiin Daalibaan Sabtidii xarunta gobolka bari ee Jalalabad, waxaana ku dhintay saddex qof 20 kalena way ku dhaawacmeen.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda, laakiin dagaalyahannada ISIL (ISIS), oo saldhigoodu yahay aagga, ayaa ah cadowga ugu xoogan ee illaa haatan ay leedahay Daalibaan.

Taalibaan ayaa wajaheysa dhibaatooyin waaweyn oo xagga dhaqaalaha iyo amniga ah iyagoo isku dayaya inay maamulaan Afghanistan oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay wajaheysay colaado culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM