Kooxda Taliban oo xirtey ajaaniib "xadaysa" dhagaxaan qaali ah

Image
Afgaanistaan ​​ayaa ku fadhida qiyaastii $1 trillion oo macdan dhuleed naadir ah.

KABUL, Afgaanistaan - Taliban ​​ayaa xiray shan nin oo ay ku jiraan labo u dhashay Shiinaha, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay dalka ka dhoofiyaan qiyaastii 1,000 metrik ton oo dhagxaanta Lithium-ka ah.

Xariga shaqsiyaadkan iyo qabsashada dhagxaanta qaaliga ah ayaa laga sameeyay magaalada Jalalabad ee xuduudka bari ee dalka Afgaanistan, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Saraakiisha sirdoonka Taliban oo la hadlay telefishinada gudaha ayaa sheegay in muwaadiniinta Shiinaha iyo ragga kale ee reer Afgaanistaan ay qorsheeyeen inay si sharci darro ah "dhagaxaan qaali ah" ugu qaadaan Shiinaha iyagoo sii maraya Pakistan.

Mohammad Rasool Aqab, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee Afgaanistaan, ayaa ku qiyaasay in dhagxaanta "ay ku jiraan ilaa 30% lithium".

"Waxay ahaayeen kuwa si qarsoodi ah oo laga soo saaray aagga Nuristan iyo Kunar, oo ah laba kamid ah dhowr gobol oo Afgaanistaan ​​​​ah oo ku teedsan xadka Pakistan," ayuu raaciyay.

Taliban ayaa mamnuucday soo saarista iyo iibinta lithiumka tan iyo markii ay dib ula wareegeen taladda Afgaanistaan ​​​​Ogosto 2021 ka dib markii dhammaan ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ka baxeen dalka.

Afgaanistaan ​​ayaa ku fadhida qiyaastii $1 trillion oo macdan dhuleed naadir ah, oo ay ku jiraan kayd badan oo lithium ah, laakiin tobanaan sano oo dagaal ah waxay ka hortageen horumarinta macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM