Talyaaniga oo si weyn looga xusay Festa della Repubblica

Image
Image
Image
Warka ugu weyn ee sanadkan, si kastaba ha ahaatee, waa soo celinta dhoolatuska militariga.

ROMA, Italy - Talyaaniga ayaa Khamiista maanta ah wuxuu u dabaaldegay Festa della Repubblica, maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga, taasoo ay wehliso fasax dadweyne oo hal maalin ah.

Xuskan waa 76-sano guuradda kasoo wareegatay markii Talyaaniga uu u wareegay Jamhuuriyad 1946-dii isla markaana uu ka soo horjeetay boqortooyadii sumcadda ka jabisay dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxweyne Sergio Mattarella oo hogaaminaya munaasabadda ayaa ubax ka dhigay qabriga askariga aan la garanayn kaasoo ku aasan taallada Vittoriano ee Piazza Venezia.

Mid ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan ee la xidhiidha Festa della Repubblica ee Rome waa Frecce Tricolori, muuqaal cajiib ah oo hawada sare ah kaasoo ay ka qeyb-qaadanayaan diyaarado dagaal oo dul heehaabaya bartamaha magaalada, soona saaraya tubbooyin leh midabada casaanka, caddaanka iyo cagaarka ee calanka Talyaaniga.

Warka ugu weyn ee sanadkan, si kastaba ha ahaatee, waa soo celinta dhoolatuska militariga, oo la baajiyay labadii sano ee la soo dhaafay masiibada COVID-19 awgeed.

Dhoolatuska waxaa lagu qabtey wadada Via dei Fori Imperiali, oo ka soo horjeeda dhabarka dambe ee Colosseum, waxaana ka qeyb-qaatay ciidamada badda iyo booliiska.

Dhacdadan ayaa sababtey xiritaanka wadooyin badan oo muhiim u ahaa isu-socodka dadweynaha iyo in la xadido dhaqdhaqaaqa meelaha qaarkood si loo sugo ammaanka madaxda xaadirtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM