Tarjumaan badbaadiyey Biden oo ka baxsaday Afghanistan

Image

Tarjumaan gacan ka geystay badbaadinta madaxweynaha Mareykanka Joe Biden xilli uu duufaan baraf ku qabsaday Afghanistan 2008, ayaa isaga iyo qoyskiisa waxay ka baxsadeen Afghanistan, kadib markii ay toddobaadyo ka dhuumanayeen Taalibaan, waxaa sidaas xaqiijisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Kadib markii isaga iyo qoyskiisa ay dhinaca dhulka ka galeen Pakistan, Aman Khalili iyo qoyskiisa ayaa waxaa magaalada Doha ee dalka Qatar loogu duuliyey diyaarad ay leedahay dowladda Mareykanka, sida uu afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibadda u sheegay AFP.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa goor sii horeysay sheegay in Aman, xaaskiiska iyo caruurtiisa, ay caawimaad ka heleen askar hore oo Mareykan ah iyo dad Afghan-Mareykan ah.

Sanadii 2008, Khalili ayaa ahaa tarjumaan u shaqeynayey ciimada Mareykanka, markii Biden oo xilligaas ahaa Senator, islamarkaana ay wehliyeen laba senator oo kale Chuck Hagel iyo John Kerry, ay booqdeen Afghanistan.

Markii duufaan baraf uu ku qasbay diyaarad helicopter oo ay la socdeen inay cago dhigato meel baadiye ah, Khalili ayaa ku biiray ciidan militari ah oo ka tegay saldhigga Bagram, oo ugu tegay buuraha si ay u badbaadiyaan.

Saddex iyo toban sano kadib, Khalili ayaa awoodi waayey in codsigiisa ahaa inuu u haajiro Mareykanka la ansixiyo kahor inta aanay Taalibaan dib u qabsan dalkaas.

“Hello, Mudane Madaxweyne: Badbaadi aniga iyo qoyskeyga,” ayaa laga soo xigtay Khalili oo la hadlay wargeyska Wall Street Journal dhammaadkii August, markii lasoo geba-gebeeyey daad-gureynta 120,000 oo qof oo laga soo qaaday Afghanistan.

Ayada oo ka jawaabeysa, ayaa afhayeenka Aqalak Cad Jen Psaki waxay sheegtay in dowladda ay caawin doonto.

“Waan kasoo saari doonnaa. Waan sharfi doonnaa adeegaagga,” ayey tiri.

AFP

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM