Tirada dadka ku dhintay Qasa oo kor u dhaaftay 5 kun

Image

QASA - Tirada dhimashada Marinka Qasa ee ka dhalatay duqeynta joogtada ah ee Israa’iil ayaa kor u dhaaftay shan kun tan iyo markii uu dagaalka bilowday 7-dii October, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka َQasa.

Wasaaraddu waxay ku sheegtay hadal kooban oo uu soo saaray afhayeenkeeda, Ashraf Al-Qudra, in tirada guud ee dhibanayaasha falastiiniyiintu ay gaareen 5,078, oo ay ku jiraan 2,055 carruur ah,"

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday, in 436 Falastiiniyiin ah, oo ay ka mid yihiin 182 carruur ah lagu dilay duqeymaha Israa’iil 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dhinacooda, ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay duqeeyeen in ka badan 320 bartilmaameedyo militari ah oo ku yaala Marinka Qasa, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tirada dadka ku dhintay Marinka go’doonsan ayaa sii kordhaya, iyo sidoo kale baaqyada ku aadan in la helo gargaar dheeri ah si loo yareeyo culeyska dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka taagan Marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM