Tirada dhimashada Dhulgariirkii Afqaanistaan oo korortay

Image

KAABUL - Tirada dhimashada dhul gariirada isxigxiga ee ku dhuftay gobolka Herat ee galbeedka Afqaanistaan ​​sabtidii ayaa gaartay ku dhawaad ​​2,500 oo qof, waana dhulgariirkii ugu xooganaa ee muddo sanado ah ka dhaca dalka buuraleyda ah ee u nugul dhulgariirrada.

Afhayeenka wasaaradda musiibooyinka ee xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan, Janan Sayed, ayaa sheegay in dhimashadu ay gaareyso 2,445 dhimasho iyo in ka badan 2,000 oo dhaawac ah.

In ka badan 1,300 oo guri ayaa qayb ahaan ama gabi ahaanba ku burbureen dhul-gariiradaasi, xilli kooxaha gurmadka iyo samatabixinta ay la tacaalayaan wax ka qabashada baahiyahaas iyo soo kabashada dhibbanayaasha iyo dhaawacyada ku hoos jira guryaha burburay.

Maamulka gobolka Herat ayaa ku tilmaamay khasaaraha ka dhashay dhulgariirka mid naxdin leh, warbaahinta maxalliga ah, oo soo xiganaysa bisha cas ee Afgaanistaan, ayaa ku warrantay in ilaa 12 tuulo oo ka tirsan gobolka Herat ay gebi ahaanba burbureen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM