Tirada gantaallada ay North Korea tijaabisay sanadkan

Image
Pyongyang ayaa bishii hore tijaabisay gantaalkeedii ugu horeeyay ee qaaradaha isaga gudba (ICBM) tan iyo 2017.

PYONGYANG, Kuuriyada Waqooyi - Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaall ballistic-ga ah u ridday dhanka xeebta bari, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Talaabaddan ayaa kusoo aadaysa qiyaastii toddobaad ka dib markii ay North Korea ay sheegtay in ay ku horumarin doonto awooddeeda nukliyeerka "xawaaraha ugu dhakhsaha badan".

Tijaabintan waa tii 14-aad ee hubka ee Kuuriyada Waqooyi sanadkan, waxaana uu imaanaysaa wax ka yar hal toddobaad ka hor inta aan xafiiska loo dhaarin madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, oo ah muxaafid.

Pyongyang oo wajahaysa cawaaqibka cunaqabateynta reer galbeedka ayaa bishii hore tijaabisay gantaalkeedii ugu horeeyay ee qaaradaha isaga gudba (ICBM) tan iyo 2017.

Falkan ayaa, sidda ay sheegeen falanqeeyeyaasha, waxay kor ugu qaadaysaa cadaadiska dublamaasiyadeed ee saaran dalalka jaarka ah ee gobolka iyo Maraykanka.

Toddobaadkii hore, hoggaamiyaha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ballan qaaday inuu dardargelin doono horumarinta hubka nukliyeerka ee dalkiisa.

Mr Un oo ka hadlay warbaahinta ku hadasha afka dowlada hadalkaas sheegay isaga oo daawanaya dhoola-tus ciidan oo aad u ballaaran oo lagu xusayay sannad-guurada ka soo wareegtay aasaaska ciidanka.

Wadahadalada ka joojinta nukliyeerka ee Mareykanka iyo North Korea ayaa wali hakad ku jira iyaddoo laga walaacsan yahay in Pyongyang laga yaabo inay dhawaan tijaabiso hubka nukliyeerka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM