Tirada saxafiyiinta la dilay 20-kii sano u dambeysay oo la shaaciyey

Image
Yurub dhexdeeda, Ruushka ayaa weli ah dalka ugu dilka badan suxufiyiinta.

ANKARA, Turkey - Ku dhawaad ​​1,700 oo saxafiyiin ah ayaa lagu toogtay caalamka 20-kii sano ee lasoo dhaafay, sidda uu sheegay ururka suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ee RSF.

"Tiro la yaab leh oo 1,668 wariye ah ayaa lagu dilay adduunka oo dhan iyadoo lala xiriirinayo shaqadooda labaatankii sano ee la soo dhaafay (2003-2022)," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay RSF.

Tirakoobka oo lasoo bandhigay Jimcihii shalay ahayd ayaa waxa uu ka dhigan yahay in celcelis ahaan in ka badan 80 saxafiyiin ah oo la dilo sanad walba.

"Tirada dhimashada sanadlaha ah ayaa korortey 2012 iyo 2013 iyadoo la dilay 144 iyo 142 wariye, siday u kala horreeyaan," ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaas ku dartay in kororka uu sababay dagaalka Suuriya.

80% dhimashada oo la diiwaan galiyay intii u dhaxaysay 2003 iyo 2022 waxa ay ka dhaceen 15 wadan, iyadoo kuwa ugu khatarta badan ay yihiin Ciraaq iyo Suuriya, halkaas oo wadar ahaan 578 wariye lagu dilay, sida ay xustey RSF.

Waxaa ku xiga Afghanistan, Yemen, Falastiin, iyo Soomaaliya, ayaa lagu yiri bayaanka. "Yurub dhexdeeda, Ruushka ayaa weli ah dalka ugu dilka badan suxufiyiinta," ayay tiri RSF.

Ururka ayaa tilmaamay in “saxafiyiin badan ayaa lagu dilay ‘aagagga nabadda’ marka loo eego ‘aagagga dagaalka’ labaatankii sano ee la soo dhaafay".

"Inta badan saxafiyiinta la khaarijiyey waxay baarayay kiisas ku saabsan dambiyada abaabulan iyo musuqmaasuqa," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta kasoo baxdey ururka RSF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo dhaliilay codsiga soo xirida Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Dacwad oogaha maxkamada ICC Karim Khan ayaa gudbiyay dalabkan oo sidoo kale lagu soo qabanayo hogaanka Xamaas.

  • Caalamka

    21-05-2024

  • 12:51AM

Ebrahim Raisi: Madaxwaynihii lagu naaneesayay “Kawaanlaha”

Madaxweynaha Iran iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Hossein Amir Abdollahian ayaa ku dhintay shil diyaaradeed.

  • Caalamka

    20-05-2024

  • 03:51PM