Tirada Soomaalida ku dhimatay dhul-gariirka Turkiga oo korortey

Image
Muwaadiniintan oo waxbarasho ku joogay dalkan ayaa lagu waramay in uu kusoo dumay gurigii ay ku jireen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhul-gariirkii cabirkiisu ahaa 7.8 Magnitude ee dhawaan ka dhacay gobalada koonfurta dalka Turkiga ee xuduudka la leh dalka Suuriya ayaa tirada dhimashaddu korortay iyada oo gaartay in ka badan 16 kun oo qof.

Dalka Turkiga ayaa xaqiijiyay in ay 10 gobol oo dalkiisa kamid ah oo dhul-gariirku saameeyay ay ku geeriyoodeen 14,014 qof sidoo kale dalka Suuriya ayaa xaqiijiyay in dalkiisa ay ku geeriyoodeen 3,162 qof.

Dalal gaaraya 93 waddan ayaa u balan qaaday taageero iyo garab istaag, sida uu sheegay madaxweyne, Racep Erdogan, balse 53 dowladood oo kamid ah ayaa ilaa hadda turkiga taageero gaarsiiyay.

In ka badan 6 kun oo shaqaalaha gurmadka deg-dega ah ayaa gaaray dalka Turkiga kuwaasi oo ay soo direen 19 dowladood, sidda ay sheegtay dowladda wadanka Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka uga tacsiyeeyay Turkiga dhibaatada soo gaartay iyada oo safaarada Soomaaliya ee dalkaas-na ay gacan u fidisay arday wax ka baranayay gobolka Gaziantep oo si aad ay uu-u-saameeyay dhul-gariirku.

Illaa haatan, laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey in ay kamid noqdeen dadka geeriyoodey. Maalintii koowaad ayaa lasoo wariyey in sagaal Soomaali ah la waayay, waxaana maalmihii xigay soo baxdey in laba kamid ah ay dhinteen.

Soomaalidan oo waxbarasho ku joogay Turkiga ayaa lagu waramay in uu kusoo dumay gurigii ay ku jireen. Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa lagu dhaleeceeyay in uu aad u hooseeyo qaabka ay uga howlgaleyso ama uga war hayso Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM