Tiradda qaxootiga 2021 ku dhintay Mediterranean-ka oo la shaaciyey

Image
Dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ayaa ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo kuwa ka hooseeya Saxaraha.

GENEVA, Swizerland – In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii.

Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku taga Yurub iyagoo inta badan kasii gudba Saxaraha, waxayna ka baxaan xeebaha woqooyiga Afrika iyagoo raacaya doomo yaryar oo macmal ah, waxaana dadkaasi ka cararayaan dhibaato, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku sugan yihiin.

Sannadkii hore, UNHCR waxay sheegtay in 3,077 qof ay dhinteen ama la la’yahay, taas oo ku dhow labanlaab tirada 2020-ka.

"Waxaan arkeyna tirada dhimashada oo aad u sii kordheysa" ayay tiri Shabia Mantoo oo ah madaxa UNHCR oo shir jaraa'id oo ay ku qabatay magaalada Geneva. "Waa wax laga naxo." ayay raacisay.

Ilaa hadda sanadkan 2022, 553 oo qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen ama la la’yahay, iyaa oo intooda badan ku dhinteen marinka Bartamaha Mediterranean-ka, sida ay xogtani muujisay.

Dadka dhintay iyo kuwa la la’yahay ayaa ka kala yimid dalal badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo kuwa ka hooseeya Saxaraha sida Tunisia, Morocco, Mali, Guinea, Eritrea, Masar, Ivory Coast iyo Senegal iyo sidoo kale Iran, Syria iyo Afghanistan, sida ay sheegtay Mantoo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo Sheegaya in Ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiirro ku Dhinteen Duqeyn Israa'iil

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysay maraakiibta ku socda Badda Cas.

  • Caalamka

    30-08-2025

  • 03:47PM

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM