Tiro dad ah oo ku nafwaayay shil ay galeen diyaarado helikobter ah

Image
Warar horudhac ah waxay sheegayaan in diyaaradahan ay tababar ku qaadanayeen ciidamo.

WASHINGTON, USA - Tiro dad ah ayaa laga xabsi qabaa inay ku dhinteen kadib markii diyaarado helikobter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ay ku burburtay degmadda Trigg ee gobolka Kentucky.

Warar horudhac ah ayaa tibaaxaya in shilkan uu dhacay abbaaraha 21:35 xilliga maxalliga ah (01:35 GMT) isla markaana illaa haatan la xaqiijin karo dhimashadda sagaal qof.

Milatariga gobolka ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay iyagu leeyihiin. Hase ahaatee, waxay ka gaabsadeen in ay bixiyaan fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta dhalisay shilkan.

Afhayeen u hadlay saldhigga milatari ee Fort Campbell ayaa carabka ku dhuftey in laba helikobtar oo nooca HH60 Blackhawk ah ay burbureen intii lagu jiray "hawlgal tababar oo caadi ah".

"Xaaladda shaqaalaha diyaaradaha lama garanayo hadda," ayay yiraahdeen. "Talisku hadda wuxuu diiradda saarayaa daryeelka xubnaha adeegga iyo qoysaskooda".

Badhasaabka gobolka Kentucky, Andy Beshear, ayaa laga soo xigtey in dhacdadan uu ku tilmaamay "mix naxdin leh" isla markaana uu tacsi u diray ehelada dadka geeriyoodey.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa waxaa lahaa qeybta 101-aad ee ciidamadda cirka Mareykanka. "Baaritaan ayaa socda si loo ogaado waxa sababay shilkan dhimashadda badan dhaliyey," ayuu kusoo xiray Campbell.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM