Tobanaan ku geeriyootay dhul-gariir ku dhuftey Indonesia

Image
Image
Tiradda dhimashada iyo dhaawaca ee illaa hadda la xaqiijiyey ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto.

JAKARTA, Indonesia - Dhul gariir ayaa ku dhuftay jasiiradda ugu weyn dalka Indonesia ee Java, waxaana ku dhintay ugu yaraan 56 qof, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waddankaas.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 ayaa ka dhacay magaalada Cianjur ee Galbeedka Java, sidda laga soo xigtey xogta hay'adda sahanka dhulka ee Mareykanka.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada Facebook-ga iyo Twitter-ka ayaa muujinayay dhismayaasha qaar oo gabi ahaanba noqday burbur iyo qashin daadsan waddooyinka.

Saraakiil ka tirsan dowladda iyo samatabixiyeyaal ayaa waxay ka digayaan in uu dhici karo dhulgariir kale, waxayna sheegeen in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Deegaanka uu dhul gariirku ka dhacay ayaa ah mid ay dadku ku badan yihiin, waxaana ay u nugul yihiin in uu go’o, waxaana ku yaala guryo aan si wanaagsan u dhisneyn.

Kooxaha gurmadka ayaa isku dayay in ay dadka ka soo daad gureeyaan dhismooyinka dumay, waxaana ku guuleystay in ay badbaadiyaan haweeney iyo cunug ay dhashay, sida ay sheegayaan wararka deegaanka.

Guddoomiyaha galbeedka Java Ridwaan Kaamil ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in 56 qof ay dhinteen in ka badan 700 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Kaamil ayaa tibaaxay in ay suuragal tahay in tirada dhaawacyada iyo dhimashada ay sii kordhaan, sabatoo ah "waxaa jira dad badan oo wali ku go’doonsan goobta, iyadoo hal goob uu go’doomiyay dhul go’ay".

Dhulgariirku waa ku badan yahay Indonesia oo ah waddan ku yaala Koonfur Bari qaaradda Aasiya. Dalkan ayaa taariikh ku leh dhulgariir iyo tsunami, iyadoo in ka badan 2,000 ay ku dhinteen dhulgariir ka dhacay Sulawesi 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM

Falkii Toogashada ee Madxafka Yahuuda ee Washington, D.C. – Faahfaahin Cusub

Dhinaca kale, dhacdadan ayaa xusuusinaysa weerarkii hore ee ka dhacay Madxafka Xusuusta Holocaust ee Washington, D.C., bishii Juun 2009.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 09:47AM