Todobo qof ay saddex kamid ah ay carruur yihiin oo duqeyn lagu dilay

Image
Duqeymaha ayaa ku soo beegantay iyadoo Ukraine ay weli la ciir ciireyso dhimashada ugu yaraan 50 qof.

LONDON, United Kingdom - Todobo qof oo saddex ka mid ah ay carruur yihiin ayaa lagu dilay magaalada Lviv ee galbeedka Ukraine, sida uu sheegay duqa magaalada, xilli ay socdeen mowjado duqeymo cusub oo Ruushka ka yimid.

Duqeymaha ayaa ku soo beegantay iyadoo Ukraine ay weli la ciir ciireyso dhimashada ugu yaraan 50 qof oo ka dhacay xarun ciidan oo ku taal bartamaha magaalada Poltava Talaadadii.

Duqa magaalada Lviv Andriy Sadovy ayaa sheegay in Ruushku uu ku weeraray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha hawada sare subaxnimadii Arbacada maanta ah.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah ilmo yar iyo labo gabdhood oo 9 jir ah iyo 14 sano jir iyo sidoo kale haweeney umuliso ka shaqeyneysay magaalada, sida ay saraakiishu sheegeen.

Qaraxyo ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kyiv iyadoo difaacyada cirka ay la beegsadeen gantaalada Ruushka.

Dhanka kale, shan qof ayaa ku dhaawacantay ka dib markii la weeraray hotel iyo meelo u dhow oo burburay oo ku yaala magaalada Kryvyy Rih, sida ay sheegeen saraakiishu. “Ilaah baa mahad leh in qof walba uu hadda nool yahay,” ayuu yiri duqa magaalada Oleksandr Vilkul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM