Toogasho dad ku dhinteen oo ka dhacdey magaalada Quddus

Image
Wasiirka amniga gudaha, Omer Bar-lev, ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu haystay qoriga submachine.

QUDDUS, Israa'iil - Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay magaalada Qadiimiga ah ee Quddus, halkaas oo uu ku dilay hal qof, ugu yaraan saddex kalena waa uu ku dhaawacay, sida saxaafadu qortey.

Ninka la toogtay oo saraakiishu ay ku sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa waxaa toogtay ciidamada ammaanka ee Israel.

Mid ka mid ah dadka rayidka ah ee uu toogtay ninka hubeysan ayaa u dhintay dhaawacii ka soo gaaray isbitaalka. Mid kale ayaa si xun loo dhaawacay, waxaana ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan booliska Israa’iil, sida ay saraakiishu sheegeen.

Wasiirka amniga gudaha, Omer Bar-lev, ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu haystay qoriga submachine. Weerarku waxa uu ka dhacay meel u dhow albaab laga galo dhisme ku yaalla Bariga Quddus oo ah goob ay had iyo jeer rabshado ka dhacaan.

Goobta waxaa ku yaallo masjidka Al-Aqsa oo ah mid ka mid ah meelaha ugu caansan Islaamka, iyo sidoo kale goobta ugu barakeysan ee Yuhuudda, oo loo yaqaan Temple Mount.

Ninka weerarka geystay ayaa magaciisa lagu sheegay 42-jir Falastiini ah oo kasoo jeeda Bariga Quddus.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa xaqiijiyay in ninkan – oo lagu magacaabo Fadi Abu Shkhaydam – oo ay warbaahinta Falastiin iyo Israa’iil ku sheegtay inuu xubin ka yahay garabka siyaasadda ee kooxda.

Israa'iil ayaa bariga Quddus ku qabsatay dagaalkii bariga dhexe ee 1967-kii, waxayna u haysataa magaalada oo dhan inay caasimad u tahay, inkasta oo aysan aqoonsanayn inta badan beesha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM