Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado
WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hoggaamiyeyaasha dhowr waddan oo Carab iyo Muslimiin ah ka codsaday inay xiriir diblomaasiyadeed la yeeshaan Israa’iil, isla markaana ay ku biiraan heshiiskii taariikhiga ahaa ee "Abraham Accords", marka la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah Iiraan.
Sida uu sheegay dhowaan wargeyska Axios, oo soo xiganaya saraakiil sare oo Mareykanka ah, Trump ayaa arrintan halkan dhigay xilli uu khadka taleefanka kula xiriiray hoggaamiyeyaasha waddamada Sucuudiga, Imaaraadka, Qatar, Pakistan, Turkiga, Masar, Urdun, iyo Baxreyn, kuwaas oo ka wadahadlayay heshiis nabadeed oo la filayo inay dhowaan kala saxiixdaan Mareykanka iyo Iiraan.
Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Abraham Accords, ay khadka taleefanka qabsatay aamusnaan dhowr ilbiriqsi ah, taas oo muujisay in hoggaamiyeyaashu ay ka naxeen codsigaas. Trump ayaa markaas ka dib ku kaftamay: "Ma weli xariiqda baad ku jirtaan?"
Waddamada Sucuudiga, Qatar, iyo Pakistan ayaan weli lahayn wax xiriir rasmi ah oo ay la leeyihiin Israa’iil, halka Imaaraadka iyo Baxreyn ay horay u saxiixeen heshiiskan sannadkii 2020 kii.
Trump ayaa hadalkiisa sii xoojiyay isagoo qoraal ku qoray bartiisa "Truth Social", halkaas oo uu ku sheegay in heshiiska weyn ee lala gelayo Iiraan uu qasab ka dhigayo in dhammaan waddamada Gobolka ay isku mar saxiixaan Heshiiska Ibraahim (Abraham Accords) si loo helo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.
Trump ayaa xitaa sheegay in haddii Iiraan ay saxiixdo heshiiska nabadda, ay iyaduna qayb ka noqon karto isbahaysigaan oo ay xiriir la yeelan karto Israa’iil.
Inkastoo Trump uu aad u riixayo qorshahan, haddana khubaru waxay aaminsan yihiin inay adag tahay in waddamada sida Sucuudiga iyo Pakistan ay si fudud ku aqoonsadaan Israa’iil iyado aan marka hore xal loo helin dhibaatada Falastiin iyo dhismaha dowlad madax-bannaan oo ay leeyihiin dadka Falastiiniyiinta ah.
GAROWE ONLINE