Trump oo ugu baaqay Netanyahu in uu joojiyo dagaalka Qasa

Image
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa'iil inuu qaato nabadda.

Washington (GO) - Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Qasa.

Trump ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan fariinta uu jeclaan lahaa inuu u diro Netanyahu ee ku saabsan dagaalka Gaza, wuxuu yiri: “Waxaan u sheegi lahaa: Si degdeg ah u jooji dagaalka, nabaddana qaado”.

Intii lagu guda jiray wareysi uu siiyay barnaamijka "Media Buzz", Trump wuxuu ku baaqay markii ugu horeysay in la soo afjaro dagaalka Qasa tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Isaga oo ka jawaabaya su’aashii daadihiyaha barnaamijka ee ku saabsan waxa ay fariintiisu noqon doonto haddii uu la hadlo Netanyahu, Trump waxa uu yiri, “Waa in uu arrintan soo afjaraa, si degdeg ah u soo afjaraa, oo uu ku soo noqdaa, waxaan u baahanahay nabad ka dhalata bariga dhexe iyo adduunkaba.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM