Tuhmanaha ugu muhiimsan dilka hogaamiyihii Haiti oo la xiray

Image
Wakaalada Anadolu ayaa daaha waxay ka rogtey in Handal lagu doonayay ogaysiinta Interpol.

ANKARA, Turkey - Saraakiisha Turkiga ayaa xiray mas’uuliyiin ka tirsan Haiti oo lagu tilmaamay tuhmaneyaasha ugu muhiimsan dilka bishii July ee sanadkii hore ee lagu khaarijiyey madaxweynihii waddankaas.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade Samir Handal ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Istanbul aroornimadii shalay oo Isniin ahayd, isaga oo ka yimid Maraykanka, kuna sii jeeday dalka Urdun, sida ay sheegtay Wakaalladda Wararka Anadolu.

Wakaalladda Wararka Turkiga ayaa intaas waxay ku dartey inuu ku xiran yahay magaalladda Istanbul muddo 40-maalmood ah oo ku-meel-gaar ah, sida ay sheegtay Hay’adda.

Xariga Handal ayaa waxaa ku dhawaaqay maamulka Haiti galinkii dambe ee Isniintii, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Haiti Claude Joseph uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in uu kala hadlay dhigiisa Turkiga xariga Handal.

Ma uusan bixin tafaasiil dheeri ah mana uusan sheegin in Haiti ay raadin doonto in ninkan loo gacan geliyo ama haddii lagu maxkamadeyn doono gudaha waddanka Haiti.

Wakaalada Anadolu ayaa daaha waxay ka rogtey in Handal lagu doonayay ogaysiinta Interpol. Hadda waxa uu ku jiraa xabsiga Malta ee Istanbul, sida ay wakaaladdu sheegtay.

Iyadoo Handal loo aqoonsaday inuu ka mid yahay dadka looga shakisan yahay shirqoolkii lagu dilay madaxweynaha Haiti 7-dii July, haddana dowladdu wax tafaasiil ah kamay bixin ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM