Turkiga oo codka diidmada qeexan ka qaadan Sweden iyo Finland

Image
Tani ayaa u ogolaaneysa labadan dal ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta ururka NATO.

ANKARA, Turkey - Gaashaanbuurta NATO ayaa ku casuumeysa dalalka Finland iyo Sweden kusoo biiritaanka isbahaysigan militari kadib markii lagu waramay in Turkiga uu 'hoos u dhigay' diidmadiisa.

Finland iyo Sweden ayaa meesha ka saaraya cunaqabateynta hubka ee saaran Turkiga waxayna iska kaashan doonan arrimo kale oo ay ku jiraan la dagaalanka argagixisanimada, sida ay ku warantey saxaafadda.

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg iyo madaxtooyada Turkiga ayaa si gooni gooni ah u xaqiijiyay heshiiska, ka dib wadahadalo dhexmaray madaxa NATO, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Ra'iisul Wasaaraha Sweden Magdalena Andersson, iyo Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto.

Turkiga ayaa walaac xooggan ka muujiyay in Sweden ay gabaad siiso xubno ka tirsan xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers Party (PKK) oo hubka u qaatay dowladda Turkiga 1984. Stockholm waa ay beenisay eedeymahaas.

War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa Talaadadii lagu sheegay in heshiiska afar geesoodka ah uu macnihiisu yahay: "Iskaashi buuxa oo Turkiga lagala yeesho dagaalka ka dhanka ah PKK iyo xulafadeeda".

Stoltenberg ayaa sheegay in 30-ka hogaamiye ee NATO ay hadda ku casuumi doonaan Finland, oo xuduud dhan 1,300km (810-mile) la wadaagta Ruushka, iyo Sweden si ay ugu biiraan NATO iyo in ay noqon doonaan " martiqaad rasmi ah".

Dhanka kale, Sweden iyo Finland waxay ku dhawaaqeen in PKK ay tahay urur “argagixiso”, waxayna ka shaqayn doonaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen codsiyada masaafurinta iyo isucelinta Turkiga ee la sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM