Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Image

ANKARA, Türkiye — Turkiga ayaa sheegay inuu garab taagan yahay Sacuudiga, xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo dhulka Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in Ankara ay qiimeyneyso sidii ay Sacuudiga uga taageeri lahayd dhinaca amniga iyo difaaca, iyadoo la adeegsanayo heshiiska difaaca ee saddex geesoodka ah ee ay wada galeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

Fidan oo la hadlay telefishanka NTV ayaa sheegay in Turkigu uu si dhab ah uga walaacsan yahay weerarrada uu sheegay inay waxyeello u geysanayaan madaxbannaanida iyo dhul-weynaha Sacuudiga.

“Waxaan aragnaa weerarro aad u culus oo lagu qaadayo midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Sacuudiga. Waxaan leenahay heshiis isbahaysi ah, waxaana arrintan si buuxda uga garab taaganahay,” ayuu yiri Fidan.

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada, isagoo caddeeyay in Turkigu diyaar u yahay inuu daboolo baahiyahaas.

“Waxaa laga yaabaa inay qabaan baahiyo milatari, gaar ahaan arrimo farsamo. Wax dhib ah nagama haysto inaan daboolno baahiyahaas,” ayuu yiri wasiirka.

Fidan ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarrada uu ku tilmaamay kuwo kicin ah oo lagu qaaday Sacuudiga, isagoo sheegay in Riyadh aysan weerar ku qaadin dhinac kale.

“Si cad ayaan u cambaareyneynaa weerarradan kicinta ah ee ka dhanka ah Sacuudiga, iyadoo Sacuudigu uusan cidna weerarin,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in Ankara aysan aqbalayn in weerarrada Sacuudiga loo beddelo qayb ka mid ah khilaafka iyo dagaalka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

Fidan ayaa intaas ku daray in Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan ay si dhow ula socdaan xaaladda, isla markaana ay socdaan wadahadallo iyo wadatashi aan weli si rasmi ah loo shaacin.

“Xilligan, annagoo ah xubnaha Isbahaysiga Maka, waxaan si dhow ula soconnaa xaaladda. Waxaan ku jirnaa wadahadallo iyo wadatashiyo gaar ah oo aan weli dadweynaha loo shaacin,” ayuu yiri Fidan.

Hadalka Fidan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xiisado amni oo sii kordhaya, iyadoo weerarrada Xuutiyiinta ay sare u qaadeen walaaca laga qabo in colaadaha gobolka ay ku fidaan dalal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM

Trump oo warbaahinta u jeestay xilli ay isa soo tarayaan caqabadaha ka haysta siyaasada iyo sharciga

CNN waxay tallaabada ku tilmaantay weerar sharci-darro ah oo lagu qaaday xorriyadda…

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 03:13AM