TV-ga Qaranka Iiraan oo lagu faafiyey qoraalo ka dhan Aayatullah Khamenei

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii ay jabsadeen koox isku magacowdey "Adalat Ali" oo macnaheedu yahay "Cadaalafda Cali".

TEHRAN, Iran - Wararka ka imaanaya dalka Iran ayaa sheegaya in shalay oo Sabti ahayd la jabsaday TV-ga dowlada xilli uu wi toos ah hawada ugu jiray, iyadoo warkaasina uu hakiyay dibadbax looga soo horjeedo hogaamiyaha dalkaasi.

Maaskaro ayaa ka soo muuqday shaashadda, waxaana ku xigay sawirka hoggaamiyaha sare ee Cali Khamenei oo dab la ololaya hareerihiisa.

Kooxdu waxay isku magacawday "Adalat Ali", ama Cadaalad Cali. Tani waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii ugu yaraan saddex qof la toogtay markii dibad baxayaasha ay isku dhaceen ciidamada ammaanka kadib rabshado cusub oo ka dhashay dhimashada Mahsa Amini.

Ms Amini ayaa waxaa magaalada Tehran ku xiray booliska dhaqan-celinta kuwaas oo lagu eedeeyay in aysan si fiican u daboolin timaheeda. Gabadhan Kurdishta ah oo 22 jir ahayr ayaa ku dhimatay xabsiga 16-kii Sebtembar, seddex maalmood ka dib markii la xiray.

Dhimashadeedu waxa ay dhalisay mudaharaad aan hore loo arag oo dalka oo dhan ah.

Warka TV-ga ee Sabtidii ayaa la hakiyay abbaaraha 18:00 xilliga maxalliga ah iyadoo sawirro ay ka mid yihiin hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran oo madaxa la beegsaday, sawirrada Ms Amini iyo saddex kale oo haween ah oo lagu dilay mudaaharaadyadii dhawaa.

Mid ka mid ah qoraallada ayaa u qornaa " nagu soo biir oo kac ", halka mid kalena uu yiri "dhiiga dhallinyaradeenna ayaa kaa dareeraya".

Hakadka ayaa socday dhowr ilbiriqsi ka hor inta aan la jarin.

Bandhigyada noocan oo kale ah ee ka dhanka ah Aayatullah Ali Khamenei taariikh ahaan waa naadir, wuxuuna awood buuxda ku dhex leeyahay Iran. Laakin dhimashadii Marwo Aamini ka dib, waxaa jiray xoogaa diidmo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM