Ugu yaraan 34 qof oo kulayl daran aawadii ugu dhimatay Hindiya

Image
Dhimashada oo ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad ayaa waxaa laga soo wariyay degmada Ballia.

NEW DELHI, India - Ugu yaraan 34 qof ayaa kulayl daran aawadii waxay ugu geeriyootay labadii maalmood ee la soo dhaafay dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyiga Hindiya gaar ahaan gobolka Uttar Pradesh, sidda ay warisay saxaafada.

Mas'uuliyiintu ayaa waxay u sheegeen saxaafadda Sabtidii in dhakhaatiirtu ay kula taliyaan dadka da'doodu ka weyn tahay 60 jir inay guryahooda joogaan inta lagu jiro maalintii oo dhan.

Dadka dhintay ayaa dhamaantood da’doodu ka weyn tahay 60 jir waxana ay lahaayeen xaalado caafimaad oo hore u jiray kuwaas oo laga yaabo in ay uga sii dartay kulaylka xooggan.

Dhimashada oo ay xaqiijiyeen saraakiil caafimaad ayaa laga soo wariyay degmada Ballia, oo qiyaastii 300km (200 mayl) koonfur-bari ka xigta magaalada Lucknow, ee caasimadda gobolka.

"23 dhimasho ah ayaa lasoo sheegay Khamiista halka 11 kalena ay dhinteen Jimcihii," ayuu ku kala sharaxay Madaxa Caafimaadka aaggaas oo lagu magacaabo Ballia Jayant Kumar.

Xogta Waaxda Saadaasha Hawada ee Hindiya ayaa muujisay in Ballia ay soo warisay heerkulka ugu sarreeya ee 42.2 darajo Celsius (108 darajo Fahrenheit) Jimcihii, kaas oo 4.7C (8F) ka sarreeya heerka caadiga ah.

Xagaaga oo aad u kulul ayaa sababay koronto la’aan guud ahaan gobolka, taasoo keentay in dadka ay waayaan biyo socda, marawaxado iyo qaboojiyayaal. Dad badan ayaa mudaaharaad dhigay.

Bilaha xagaaga ee ugu muhiimsan - Abriil, Meey iyo Juun - guud ahaan waa kuleyl inta badan qaybaha Hindiya ka hor inta aysan roobabka dabeylaha keenin heerkul qabow. Balse wuu isbadalay tobankii sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM