Ukraine: Ruushka wuxuu diyaariyay nus malyuun ciidan ah

Image

MOSCOW, Russia - Dowladda Ukraine ayaa ka digeysa duulaan cusub oo rogaal celis ah oo Ruushka qorsheynayo in todobaadyo gudahood kusoo qaadaan dalka Ukraine.

Dhawaqan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa iyadda oo bishani dhammaadkeeda ay ku beegantahay sanad guuradii koowaad markii Ruushka kusoo duulay Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ruushka uu ciidamo aad u tiro badan oo boqolaal kun gaaraya soo dhoobay goobaha la isku hor fadhiyo, uuna qorsheynayo duulaan aargoosi ah, kaasi oo uu ka digey in uusan keliya ku ekaan doonin Ukraine, balse u talaabo doono Yurub inteeda kale.

Ruushka ayaa qortay ciidamo cusub, dibna ugu yeeray ciidamada kaydka, isaga oo soo buuxinaya booskii ay baneeyeen ciidamo tiro badan oo dagaalada kaga dhintay.

Wasiirka difaaca Ukraine Oleksii Reznikov ayaa warbaahinta Faransiiska u sheegay in ciidamada uu Ruushka diyaariyay ay gaarayaan nus malyuun askari, kuwaas labo laab ka badan intii la filayay, ayna doonayaan in tirada askarta ay ku harqiyaan ama ku jiiraan difaacyada Ukraine. 

Ciidamada Ruushka ayaa horumar ka gaaray dagaalka ka socda Bariga waddanka Ukraine, iyaga oo qarka u saaran in ay la wareegaan magaalada Makhmut.

Xeeldheereyaasha militariga ayaa rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha Ruushka Putin uu doonayo in uu ka gaarsiiyo duulaanka ka hor inta Ukraine aysan u imaan taangiyada 31 MI Abrahams loo yaqaano ee ay ku heshiiyeen in Maraykanka iyo Jarmalka ay siiyaan ciidanka Ukraine.

Inkasta oo digniintan ay horeyba u jirtay, waxaa hadda isaga soo taraya in reer Galbeedka ay aaminayaan halista jirta, lagana yaabo in duulaankan uu ka weynaan doono kii sanad ka hor Ruushka ku qaaday Ukraine.

Ruushka ayaa sidoo kale waxaa la sheegayaa in uu ka faa’iideysano xilliga sanadka maadaama laga baxayo barafkii iyo qaboobihii qaaradda Yurub ee saameeyay hawlgalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM