UNSOM oo loo kordhiyay wakhtiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay ayaa u ansixiyay soo jeedinta xubno kamid ah golaha ee in loo kordhiyo wakhtiga Hawlgalka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya ee UNSOM.

Qabyo Qoraalka oo ay soo gudbisay dowlada Ingiriiska oo iyadu garwadeen ka ahayd ayaa u ogolaanaya UNSOM in ay sii shaqayso ilaa Oct 31 -2024.

UNSOM ayaa lagu booriyay in ay la shaqayso ATMIS oo qorshuhu yahay in ay Soomaaliya ka baxaan 2024 sidoo kale laga fiirsado Amaanka shaqaalaha UNSOM.

Walaac ayaa ku hareeraysan ciidamada ATMIS oo la qorsheeyay in ay Soomaaliya ka baxaan dhamaadka 2024 iyada oo Argagixisada AS ay duulaano horey ugu qaadeen xeryaha ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa macawisleyda.

UNSOM ayaa lagu badalay xafiiskiisa qaramada midoobay u qaabilsanaa siyaasadda Soomaaliya kaasi oo horey loo oran jiray UNPOS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Iiraan u Oggolaatay Inay Maraakiibtoodu Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Hadalladaas ayaa si degdeg ah u saameeyay suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha shidaalka…

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 05:03PM

Australia oo diiday inay ciidamo badeed u dirto Marinka Hormuz

Iiraan ayaa uga jawaabtay weerarro drone iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Gacanka.

  • Caalamka

    16-03-2026

  • 02:25PM