USA: Qofkii u horeeyay oo laga helay nooca cusub ee Covid19

Image

WASHINGTON, USA - Kiiskii ugu horreeyay oo ah qof uu ku dhacay nooca omicron ee coronavirus ayaa laga helay gobolka Galbeedka ee California, saraakiisha caafimaadka Mareykanka ayaa Arbacaddii sheegay.

Qofka ayaa ku soo laabtay Mareykanka safar uu ku tagay Koonfur Afrika 22-kii Noofambar waxaana laga helay Isniintii, sida laga soo xigtey Dr. Anthony Fauci oo saxaafadda u waramay.

Fauci ayaa wuxuu yahay khabiirka cudurada faafa iyo madaxa lataliyaha caafimaadka ee Madaxweyne Joe Biden. Hadalkan wuxuu ka sheegay shir jaraa'id uu ku qabtey gudaha Aqalka Cad.

Khabiirka wuxuu sheegay in qofka uu leeyahay astaamo fudud oo Coronavirus ah, uu is karantiilay soona hagaagtey xaaladiisa. "Qofka si buuxda ayaa loo tallaalay," ayuu raaciyey Fauci. "Balse weli ma helin tallaal xoojin ah".

Lataliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu daaha ka rogay in dadka la xiriiray qofka safarka ah ee cudurka qaba ay tijaabiyeen wax xun oo ah cudurka "Coronavirus".

Mareykanka ayaa si rasmi ah wuxuu ugu biirayaa liiska wadamadda 24-saac oo kamid ah saacadaha caadiga ah ee maalin kasta laga soo warinayo guud ahaan caalamka.

Kiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Biden lagu soo waramayo inuu isku diyaarinayo inuu ku soo rogo shuruudo tijaabo ah oo adag dhammaan dadka safarka ah ee caalamiga ah ee soo galaya dalka.

Talaabadan ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay qayb ka tahay dadaaladda lagu xakameynayo fiditaanka nooca cusub ee safmarka kaasoo kalkii hore la xaqijiyey in uu kasoo ifbaxay waddanka Koonfur Afrika asbuucii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM