Waa kuma Nawaf Salam ee dhawaan loo doortay Gudoomiyaha Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ICJ?

Image
Xubnaha Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa u doortay Nawaf Salam Gudoomiyaha maxkamadda.

Hague (GO) - Xubnaha Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa u doortay Garyaqaan Lubnaani ah oo lagu magacaabo Nawaf Salam inuu noqdo Gudoomiyaha maxkamadda muddo saddex sano ah.

Bogga rasmiga ah ee maxkamada ku leedahay barta “X” ayaa lagu daabacay bayaan sheegaya in xubnaha maxkamada ay salaam u doorteen Gudoomiye.

Waa kuma Nawaf Salam?

Nawaf Salam, waxa uu dhashay 1953-kii,, waxa uu 1992-kii shahaado ka qaatay Machadka Cilmiga Siyaasadda ee Paris, 1992-kii, waxa uu Shahaadada Master-ka ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Harvard, wuxuuna PhD ka diyaariyay taariikhda.

Waxa uu bare ka ahaa Jaamacadda Sorbonne, wuxuuna baaris ka samey jiray Xarunta Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard, isaga oo isla markaana ku shaqeynaaye xirfadiisa qareennimo.

2007 ilaa 2017 waxa uu ahaa danjire iyo wakiilka joogtada ah ee Lubnaan ee Qaramada Midoobay, wuxuuna ku biiray Maxkamadda Caddaaladda Aduunka bishii Febraayo 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM