Waa kuma ninka Putin qorsheynayo in uu ka dhigo hogaamiyaha Wagner?

Image
SAWIR HORE

MOSCOW, Ruushka - Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradiisa ay la dhacday hogaamiyihii kooxda calooshood u shaqaysatayaasha ah ee Wagner.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa qorsheynaya in uu madaxa kooxdaan ka dhigo, Andrei Troshev oo haatanba kamid ahaa Golaha aas-aasayaasha ee Wagner.

61 jirkaan ayaa heysta bilada ugu saraysa ee Geesiga Ruushka isaga oo ka qeyb galay dagaaladii Afghanistan iyo Chechnya ilaa uu 2018 ka dagaalamay dalka Suuriya.

Ninkaan ayaa la rumeysan yahay in uu saaxiib dhaw la yahay Putin isla markaana uu daacad u yahay doonistiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM