Waa kuma ninka Putin qorsheynayo in uu ka dhigo hogaamiyaha Wagner?

Image
SAWIR HORE

MOSCOW, Ruushka - Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradiisa ay la dhacday hogaamiyihii kooxda calooshood u shaqaysatayaasha ah ee Wagner.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa qorsheynaya in uu madaxa kooxdaan ka dhigo, Andrei Troshev oo haatanba kamid ahaa Golaha aas-aasayaasha ee Wagner.

61 jirkaan ayaa heysta bilada ugu saraysa ee Geesiga Ruushka isaga oo ka qeyb galay dagaaladii Afghanistan iyo Chechnya ilaa uu 2018 ka dagaalamay dalka Suuriya.

Ninkaan ayaa la rumeysan yahay in uu saaxiib dhaw la yahay Putin isla markaana uu daacad u yahay doonistiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM