Waa maxay xiriirka ka dhaxeeya Yahuuda iyo Shirkadda “Adidas”?

Image
Magaca “Adidas” ayaa la hadal hayaa khilaaf walba uu dhaxmaro Israa’iil iyo Falastiin,

QUDUS (GO) - Xiriirka ka dhaxeeya Adidas iyo Yuhuuda ayaa si weyn isu badalayay tan iyo 1930-kii. Sida laga soo xigtay Wargeyska “Times of Israel”.

Shirkadda Jarmalka laga leeyahay ayaa la aasaasay 1924-kii iyada oo loo yaqiinay "Dassler Brothers Shoe Factory", waxaana lahaa laba walaalo ah Adolf (Adi) iyo Rudolf Dassler.

Magaca “Adidas” wuxuu ka yimid isku darka magaca “Adolf” iyo magaca qoyska “Dassler.” oo la soo gaabiyay, Dhanka Rudolf, wuxuu markii dambe kala tagay walaalkiis ka dib markii ay is-afgaran waayeen, isaga oo aasaasay shirkadda "Puma" oo tartan kula jirta.

Maajo 1, 1933, ka dib markii uu hoggaamiyihii Naasiyiinta Adolf Hitler oo qabsaday awoodda Jarmalka, Adolf Dassler iyo walaalkiis waxay si rasmi ah ugu biireen Xisbiga Naasiyiinta.

Inta lagu guda jiray Xukunkii Naasiyiinta, hantida shirkada Adidas ayaa kor u kacday, cabbirkeedina dhawr jeer ayuu labanlaabtay.

Adidas hadda waxay ka fogaataa tixraac kasta oo xiriir la leh Naasiyiinta, iyada oo si xad dhaaf ah taageero u muujiso Yahuudda iyo Israa’iil, si aan lala xiriirin xasuuqa loo geystay Yahuuda.

Magaca “Adidas” ayaa la hadal hayaa khilaaf walba uu dhaxmaro Israa’iil iyo Falastiin, dalalka Carabta ayaa qaadacay shirkadda sannadkii 2012-kii, sababo la xiriira inay qeyb ka ahayd Maalgashadayaashii tartanka “Marathon-ka Qudus”, kaasoo lagu qabtay dhul ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM