Walbahaarka reer galbeedka ka qabo in Ruushka isticmaalo Nukliyeer

Image
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa si adag uga digay khatarta ka dhalan karta talaabada noocaan ah.

WASHINGTON, United States - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ku booriyay dhigiisa waddanka Ruushka, Vladimir Putin, inuusan isticmaalin taatikada hubka Nukliyeerka ah iyo hubka kiimikada ah.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii uu dhowr jeer oo hore qasaaro militari kasoo gaaray dalka Ukraine taasoo sarre u qaadey walwalka quwadaha reer galbeedka ee ah in uu nukliyeer adeegsado.

Biden wuxuu yiri: “Ha yeelin. Ha samayn Ha samayn Waxay bedeli doontaa wejiga dagaalka si ka duwan wax kasta tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka".

Hadalkan ayuu Biden ka dhawaajiyey kadib markii weriye Mareykan ah oo ka tirsan shabakadda CBS uu wax ka weydiiyay haddii Putin uu ku fikiro adeegsiga hubkan.

Milateriga Ukraine ayaa dib ugu celiyay ciidamada Ruushka waqooyi bari ee dalkaas usbuucii hore, taasoo Putin ku cadaadisay in uu ciidamo horleh abaabulo si uu uga soo kabto jabkaas.

Putin ayaa ka digay in Moscow ay si xoog leh uga jawaabi doonto haddii ciidamadeeda la saaro cadaadis dheeri ah, taasoo sare u qaadaysa walaaca uu ka qabo inuu mar uun isticmaalo habab aan caadi ahayn sida hub yar oo nukliyeer ah ama kiimiko ah.

Sida ku cad caqiidada Moscow, hubka nukliyeerka waxaa loo isticmaali karaa kadib "gardaro ka dhanka ah Ruushka ama xulafadiisa iyadoo la adeegsanayo hubka wax gumaada", ama "marka jiritaanka qaranku khatar ku jiro".

Wasiirka difaaca ee Ruushka, Sergey Shoigu, ayaa bishii lasoo dhaafay waxa uu sheegay in hubka Nukliyeerka ah aanu daruuri ahayn marka loo eego dhinaca militariga.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa horay u sheegay in hubka caadiga ah oo kaliya lagu isticmaali doono gudaha Ukraine.

Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ayaa bishii April ee sanadkan 2022-da shaaca ka dhigtey in aysan arag cadeymo badan oo wax ku ool ah oo xoojinaya walaaca ku aadan in Putin amro adeegsiga hubka Nukliyeer-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka iyo Ukraine oo Is-dhaafsaday Maxaabiis iyo Weeraro Cusbaa oo lagu qaadey Kyiv

Is-dhaafsigan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee tan iyo markii uu bilowday dagaalku, waxaana lagu qabtay xadka Ukraine iyo Belarus .

  • Caalamka

    24-05-2025

  • 04:20PM

Iran: Maraykanka kula xisaabtami doonaa Haddii Israel Weerarto Goobaheena Nukliyeerka 

Israel ma aysan xaqiijin qorshe kasta oo weerar ah, balse madaxda sare ee dalkaasi oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

  • Caalamka

    22-05-2025

  • 02:53PM