Waqooyga Qasa oo qarka u saaran Macluul

Image
Israa’iil ayaa wali xadidaysa in gargaar loo fidiyo dadka ku sugan Qasa.

Qasa (GO) - Agaasimaha UNICEF Catherine Russell ayaa digniintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay ku xaqiijisay in macaluul ay ku soo fool leedahay waqooyiga Qaza.

Waxay sidoo kale ku qortay barteeda “X” maanta oo Isniin ah, in carruurtu ay u dhimanayaan nafaqo-daro. Waxayna intaasi ku dartay:

"Hay'adaha gargaarka waa inay awood u yeeshaan in carruurta iyo qoysaska meel kasta kaga sugan Qasa la gaarsiiyo gargaar.”

Israa’iil ayaa wali xadidaysa in gargaar loo fidiyo dadka ku sugan Qasa, xilli ayaa sii xumaanaysa xaaladda bini'aadantinimo ee ka taagan waqooyiga Qassa iyo guud ahaan marinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM