Wasiir Israa’iili ah oo soo jeedisay in dib u dejin loo sameeyo shacabka Qasa

Image

QASA (GO) - Wasiirka Sirdoonka Israa'iil Gila Gamliel ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay dhiirigeliyaan in Falastiiniyiinta meel ka baxsan Qasa loogu sameeyo dib u dejin, halkii ay lacag u uruurin lahaayeen dib u dhiska Marinka.

Qoraal ay ku daabacay wargeyska Jerusalem Post, wasiir Gamliel, ayaa soo tiri, "Waa in dib u dejin loogu sameeya Falastiiniyiinta meel ka baxsan Qasa sababo bini'aadantinimo."

Wasiirka Israa’iil ayaa sidoo kale dhaleeceeyn u jeedisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Wadamada Carabta, gaar ahaan dalalka deriska la ah dhulka Falastiin, ayaa diiday fikradda ah in dadka deggan Qasa laga saaro Marinka lana dejiyo meel ka baxsan, iyaga oo xusay in tani ay la macno tahay "baabi’inta qadiyadda Falastiin."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM