Wasiirkii hore ee Imran Khan oo xabsiga loo taxaabay

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Boliska Pakistan ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Rashiid Axmed, oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Imran Khan kaas oo ku edeesan musuqmaasuq.

Qareenka u doodaya Sheekh Rashiid ayaa wargeyska “Dan” u sheegay in rag ku labisan dhar rayid ah ay ka soo qabteen wasiirkii hore gurigiisa oo ku yaala magaalada “Rawalpindi” fiidnimadii Axada, islamarkaana ay geeyeen meel aan la garanayn.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (oo hore u ahaan jirtay Twitter), xisbiga PTI ayaa cambaarayay xariga Rashiid, isaga oo ku tilmaamay talaabadan xad-gudub siyaasadeed iyo faashisnimo.

Imran Khan, ayaa isna wajahaya kiisas badan oo isaga ka dhan ah, laga soo bilaabo argagixisanimo ilaa isku day dil iyo lacago la dhaqay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM