WHO oo digniin kasoo saartey sharaabooyin loo isticmaalo qufaca

Image
Qaylo-dhaantan caalamiga ah ayaa ka dhalatay markii afartan sharaboobo lala xiriiriyey geerida 66 caruur ah.

NEW YORK, United States - Digniin caalami ah ayaa laga soo saaray afar sharoobo qufaca ah kadib markii hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay ka digtay in lala xiriirinayo geerida 66 carruur ah gudaha Gambia.

Sharoobada ayaa "waxaa lala xiriiriyay dhaawacyo daran oo kelyaha ah iyo 66 dhimasho oo carruur ah", sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay WHO loona diray warbaahinta caalamka.

"Alaabooyinka waxaa soo saartay shirkad laga leeyahay Hindi oo lagu magacaabo Maiden Pharmaceuticals kuna guuldareysatay inay bixiso dammaanad ku saabsan badqabkooda," ayay WHO ku tiri bayaan.

Shirkadu wali kama aysan hadlin dhacdooyinkan. Qaar kamid ah warbaahinta gudaha iyo caalamka oo la xiriiray Maiden Pharmaceuticals si ay faallo uga bixiyaan digniinta WHO kama aysan soo jawaabin.

Mas'uuliyiinta caafimaadka ee waddanka Hindiya ayaa sheegay inay ka codsadeen WHO inay la wadaagto caddaynta muujineysa xiriirka ka dhexeeya sharoobada iyo dhimashada.

Hay'adda WHO ayaa magacyadda daawoyinka laga shakisan yahay waxay ku sheegtay in ay kala yihiin Promethazine Oral Solution, Kofexmalin Baby Cough Syrup, Makoff Baby Syrup iyo Magrip N Cold Syrup.

Faragelinta WHO ayaa timid ka dib markii mas'uuliyiinta caafimaadka ee Gambia ay ogaadeen kororka kiisaska dhaawaca kelyaha ee carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano ee dabayaaqadii Luulyo ee sanadkan 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM