Wiil saqiir ah oo lagu waayey daadgureyntii Kabul oo la helay

Image
Kiiskan ayaa astaan wuxuu u noqdey dhibaatada haysata waalidiin badan oo waayey carruurtooda.

KABUL, Afghanistan - Wiil saqiir ah oo loo gacan galiyay askari ka soo booday darbiga garoonka diyaaradaha Kabul intii ay socotay daadgureynta Mareykanka ee Afgaanistaan ​​ayaa la sheegay in la helay laguna wareejiyay gacanta eheladiisa.

Ilmahan yar oo lagu magacaabo Sohail Ahmadi, waxa uu jiray laba bilood oo keliya, markii la waayay 19-kii Ogosto, iyadoo kumannaan qof ay u yaaceen inay ka baxaan Afgaanistaan, markii ay gacanta u gashay Taliban.

Cunugan yar ayaa ku sugnaa magaalada Kabul halkaas oo taksiile 29 jir ah oo magaciisa lagu sheegay Xamiid Safi uu ka helay garoonka diyaaradaha oo uu u kaxaystay gurigiisa si uu ugu koriyo.

Ka dib in ka badan toddobo toddobaad oo wadahadal iyo codsi ah, iyo ugu dambayntii muddo kooban oo ay xidheen booliiska Taalibaan, Safi ayaa Sabtidii ilmaha dib ugu celiyay awoowgiis oo faraxsan iyo qaraabada kale ee weli ku sugan Kabul.

Waxa ay sheegeen in hadda ay raadin doonaan in uu dib ula midoobo waalidkiis iyo walaalihiis oo bilo ka hor loo daadgureeyay Mareykanka oo soo afjaray howlgalkiisa milatari ee Mareykanka.

Qoyska ilmaha yar ayaa isku raacay in ay magdhow ahaan u bixiyaan ilaa 100,000 lacagta Afgaanistaan ​​ah ($950) taasoo ah kharashaadka ku baxay daryeelkiisa muddo shan bilood ah.

Kiiskan ayaa astaan wuxuu u noqdey dhibaatada haysata waalidiin badan oo ay kala tageen carruurtooda intii lagu jiray dadaallada degdegga ah ee daadgureynta iyo ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka ka dib 20 sano oo dagaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM

Iran oo sheegtay inay sii wadeyso Dagaalka "Illaa Guusha Laga Gaarayo" iyo Pakistan oo Dadaal Nabadeed Bilowday

Hadalka Sharif ayaa ku soo beegmay xilli weerarro culus ay ka dhacayaan gobolka, iyadoo qiiq laga arkay bartamaha Tel Aviv.

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 02:34PM