Wiil uu dhalay wasiir oo loo xiray eedeymo ku saabsan dil

Image
Toddobaadkii lasoo dhaafay, kumanaan beeraley ah ayaa isugu soo baxay cidhifyada magaaladda caasimadda ah ee New Delhi

NEW DELHI, India - Booliiska waddanka Hindiya ayaa Sabtidii xiray wiil uu dhalay wasiir ka tirsan xukuumadda Ra'iisul Wasaare Narendra Modi oo lagu tuhunsan yahay sagaal qof lagu dilay rabshado ba'an.

Rabshadaha ayaa ka dhashay mudaaharaadyo sameynayeen tobanaan kun oo beeraley ah oo ka soo horjeeda sharciyada beeraha ee muranka dhaliyay ee waqooyiga Hindiya.

Afar beeraley ah ayaa dhintay Axaddii markii baabuur uu leeyahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ajay Mishra la jiirsiiyay koox beeraley ah oo mudaaharaad ka sameynayay Lakhimpur Kheri, oo ah magaalo ku taalla gobolka Uttar Pradesh, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha beeraha.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, kumanaan beeraley ah ayaa isugu soo baxay cidhifyada magaaladda caasimadda ah ee New Delhi "si ay u xusaan hal sano oo bannaanbaxyo ah".

Dawladda ayaa waxay sheegaysaa in isbedelada sharciyada loo baahnaa "si loo casriyeeyo beeraha loona kobciyo wax soo saarka iyada oo loo marayo maalgelin gaar ah".

Beeraleydu ayaa ku doodaya in sharciyadu ay baabi'inayaan dakhligooda "iyagoo soo afjari doona qiimihii la dammaanad qaadayay waxayna ku qasbi doonaan inay dalagyadooda kaga iibiyaan shirkadaha qiimo jaban".

Rabshadaha ayaa calaamad u noqday inay sii kordhaan mudaaharaadyada socda ee looga soo horjeedo sharciyada beeraha oo ay beeraleydu sheegeen inay ku burburinayaan hab-nololeedkooda.

Dibadbaxyada ayaa waxay socdeen tan iyo markii ay dowladdu meelmarisay sharciyadii bishii Sebtember ee la soo dhaafay waxayna ka mid ahayd caqabadaha ugu waaweyn ee ay wajahdey xukuumada Modi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM