Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya
WASHINGTON – Waxaa soo baxaya walaac iyo cabashooyin xooggan oo ka dhashay dib-u-dhac ballaaran oo ku yimid telefoonnada lagu magacaabo "GOLD T1" oo uu suuq-geeyay dowladda Madaxweyne Donald Trump.
Ku dhowaad sannad ka hor, kumanaan qof ayaa bixiyay lacag hormaris ah oo dhan $100 si ay magacyadooda ugu dhowraan liiska dadka ugu horreeya ee helaya telefoonnadaas oo midabkoodu yahay dahab.
Inkastoo ballanqaadku ahaa in la bixin doono sannadkii 2025-ka, haddana illaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka May 2026, ma jiro qof keliya oo helay telefoonkaas, mana jirto xilli rasmi ah oo la sheegay in la soo saari doono.
Isbeddelka Shuruudaha Shirkadda
Sida uu qoray wargeyska USA Today, shirkadda soo saarta telefoonnada ayaa dhowaan beddessay shuruudaheeda qoraalka ah (Terms and Conditions). Shirkadda ayaa hadda caddeysay in lacagta $100-ka ah ee ay dadku bixiyeen:
Aanay dammaanad qaadayn in telefoonka dhab ahaan la soo saari doono.
Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.
Sababta loo aanaynayo dib-u-dhaca
Wakiillada u hadlay shirkadda Trump Mobile ayaa mar sii horreysay sheegay in dib-u-dhaca uu ku yimid xirnaanshihii dowladda ee dhacay dabayaaqadii sannadkii hore, balse khubarada tiknoolajiyadda ayaa shaki ka muujiyay sheegashadaas, iyagoo xusay in telefoonnadu ay weli u baahan yihiin oggolaansho dhanka farsamada iyo isgaarsiinta ah.
Walaaca Macmiisha
In ka badan 600,000 oo qof ayaa la sheegay inay bixiyeen lacagta hormariska ah, taas oo ka dhigan in shirkadda ay soo gashay lacag ku dhow $60 milyan oo doollar. Macmiil badan ayaa baraha bulshada ku muujiyay carada ay ka qabaan macluumaad la'aanta iyo in shirkaddu ay ka saartay mareegteeda xilligii markii hore la qorsheeyay in telefoonnada la qaybiyo.
Illaa hadda, maamulka Trump iyo shirkadda midna kama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta dhabta ah ee macaamiishu filan karaan telefoonnadooda dahabka ah, taas oo dhalisay in qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ay ku baaqaan baaritaan lagu sameeyo qaabka loo ururiyay lacagahaas.
GAROWE ONLINE