Xaaska Joe Biden oo lagu mudaaharaadey xilli ay khudbad jeedineysay

Image
Banaanbaxa waxaa saameysay gabar yar oo dalbanaysay in xabad-joojin laga sameeyo Gaza.

WASHINGTON, USA - Jill Biden, xaaska madaxweynaha Mareykanka Biden, ayaa qof mudaaharaad dhigayay uu hadalka ka dhex-galay xilli ay khudbad ka jeedineysay gobolka Arizona.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gabadh yar oo ka soo kacaysa fadhigeeda oo ku qaylinaysa, “Jill, goormaad adiga iyo madaxweynaha aad ku baaqi doontaan xabbad-joojin ka dhacda Gaza?”.

Cajaladan oo aad ugu faaftey internet-ka ayaa tusineysa laamaha ammaanka oo dibada u saaraya gabadha yar kadib markii ay hadalkiisa kaga careysiisay Jill.

Marwada koowaad ayaa ku sugneyd gobolka Arizona si ay ugala hadasho xuquuqda ilmo iska soo ridida ka hor doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM