Xamaas iyo Yahuuda oo gaarey heshiis lagu kordhinayo xabad-joojinta

Image
Dalka dhexdhexaadinta hogaaminaya ee Qatar ayaa xaqiijiyay in xabbad joojinta lagu kordhin doono hal maalin.

DOOXA, Qadar - Militariga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in xabbad joojinta Xamaas ay sii socon doonto "iyadoo la eegayo dadaallada dhexdhexaadiyeyaasha ah ee lagu sii daynayo la haystayaasha, iyadoo la raacayo shuruudaha heshiiska".

War kale oo ay soo saartay kooxda Xamaas ayay ku sheegtay in la gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad joojinta taasoo ka dhigan in ay noqoneyso maalintii toddobaad.

Ilaa saacadii ugu dambeysay, waxaa su’aal la geliyay rajada laga qabo in la kordhiyo xabad joojinta kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen liiska cusub ee Israa’iiliyiinta laga sii daayay Gaza.

Dalka dhexdhexaadinta hogaaminaya ee Qatar ayaa xaqiijiyay in xabbad joojinta lagu kordhin doono hal maalin, si la mid ah lix maalmood oo joojinta bini'aadantinimo ee Gaza lagu waday in la soo afjaro.

"Dhinacyada Falastiin iyo Israa'iil waxay gaareen heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta bini'aadantinimo ee Marinka Gaza oo lagu daro maalin dheeraad ah iyadoo la raacayo shuruudihii hore, kuwaas oo ah xabbad-joojin iyo gelitaanka gargaarka bini'aadantinimo, iyada oo la raacayo qaabka dhexdhexaadinta wadajirka ah ee Dawladda Qatar," ayuu yiri "Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majed al-Ansari.

In ka badan 15-kun oo Falastiini ah ayaa lagu dilay marinka Gaza tan iyo 7-dii October ee sanadkan 2023-ka, halka Yahuuda laga digay in ka badan 1,200 Israa'iili ah waxaana dhaawaca uu ka badan yahay ku dhowaad 20-kun isku-darka labada dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM