Xamaas oo sii daysay laba la heyste oo Mareykan ah

Image

QASA - Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday sawirka labada la hayste ee Maraykanka ah oo ay Xamaas sii daysay Jimcihii, kuwaas oo kala ah Yehudit Raanan iyo gabadheeda Natalie Raanan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Xamaas ay afduubteen hooyada iyo gabadheeda xilli ay ku sugnaayeen gurigooda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in labada la heyste ay ka soo jeedaan magaalada “Evanston”, oo ku taal duleedka Chicago, Illinois.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, sii deynta labada maxbuus ayaa ku timid “sababo bini’aadantinimo”.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay qafaasheen ilaa 200 oo qof intii uu socday weerarkii weynaa ee ay 7-dii bishii Oktoobar ku soo qaadeen mmagaalooyinka iyo saldhigyada milatari ee dhaca koonfurta Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM