Xamaas oo yeelatay hogaamiye cusub dhanka siyaasadda ah

Image
Tan iyo 2017, Sinwar waxa uu ahaa hogaamiyaha kooxda gudaha marinka Gaza.

DOOXA, Qadar - Kooxda Xamaas ayaa u magacawday Yahya Sinwar inuu noqdo madaxa guud ee cusub, isagoo bedelaya Ismail Haniyeh oo lagu dilay Tehran todobaadkii hore.

Tan iyo 2017, Sinwar waxa uu ahaa hogaamiyaha kooxda gudaha marinka Gaza. Hadda waxa uu noqon doonaa hogaamiyaha garabkeeda siyaasadeed.

Sinwar waxaa la rumeysan in Sinwar uu weli ku sugan yahay marinka Gaza, inkastoo aan la ogeyn xaqiiqada warkan maadaama uu aad isku qariyo shaqsi ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM