Xarumaha shidaalka Sacuudiga oo la weeraray maalin kadib heshiiskii difaaca ee Turkiga iyo Pakistan
RIYADH — Laba xarumood oo muhiim ah oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco ayaa la sheegay in weerar lagu gubey, maalmo kadib markii Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga ay kala saxiixdeen heshiis cusub oo difaac wadajir ah.
“Waxaan diyaarad aan duuliye lahayn ku beegsanay warshadda sifaynta shidaalka ee Aramco ee Jazan, Sacuudiga," ayuu yiri Yahya Saree, afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yemen.
Dabka koowaad ayaa ka kacay warshadda gaaska ee Berri, oo ku dhow magaalada Jubail ee xeebta Gacanka. Xogta dayax-gacmeedyada NASA ayaa muujisay dab xooggan oo ka kacay goobta. Dabka labaad ayaa ka kacay xarun Aramco leedahay oo ku taalla warshadda sifaynta shidaalka ee Jazan, oo ku taal xeebta Badda Cas.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in kooxaha dab-damiska ee Aramco ay damiyeen dabkii Jazan, iyadoo aan la soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah. Ilaa hadda lama caddeyn sababta keentay labada dab, sidoo kalena ma jirto cid si rasmi ah loogu eedeeyay dhacdooyinkan.
Jubail ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee warshadaha iyo tamarta Sacuudiga, waxaana halkaas ku yaalla xarumo ay leeyihiin shirkado waaweyn oo ay ka mid yihiin Saudi Aramco iyo SABIC. Aagga ayaa door muhiim ah ku leh wax-soo-saarka kiimikada iyo dhaqaalaha dalka.
Dhacdooyinkan ayaa dhacay maalmo kadib markii Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga ay magaalada Jeddah ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in weerar hubaysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.
Iran ayaa heshiiska ku tilmaantay “heshiis waraaq ah”, iyadoo sheegtay inuusan Riyadh siin karin amni dhab ah. Si kastaba, weli lama xaqiijin in dababka ka kacay xarumaha Aramco ay ahaayeen weerarro, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda. Baaritaanno ayaa socda si loo ogaado sababta iyo khasaaraha dhabta ah ee labada dhacdo.
GAROWE ONLINE