Xi Jinping: Madaxweynaha Shiinaha oo ka dagay Sacuudiga

Image
Booqashadii ugu dambeysay ee Xi ku tagay Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa fiidnimadii Arbacada shalay ahayd waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay boqortooyadda Sacuudi Carabiya.

Xi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee King Khalid ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Riyaad Amiir Faysal Bin Bandar.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa inta uu joogo Boqortooyada qaniga ku ah Saliida waxa uu ka qeyb galayaa shir madaxeedka u horeeyay ee Shiinaha iyo Carabta iyo shir madaxeedka Shiinaha iyo Khaliijka ee ka dhacaya Riyadh.

Sidoo kale waxa uu wada hadal la yeelan doonaa Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis. Booqashadii ugu dambeysay ee Xi ku tagay Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016.

Booqashada madaxweynaha Shiinaha ayaa ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu booqday Riyadh iyadoo ay jirto xiisad dhanka tamarta ah oo uu sababay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM