Xiisad ka dhalatay wariye telefishinka Al Jazeera laga eryay

Image
Falcelin balaaran ayaa arintaas ka dhalatay iyada oo baraha bulshada garab istaag loogu muujiyay wariyahan.

DOOXA, Qadar - Telefishinka Al Jazeera ayaa shaqada ka eryay Abdulkhaliq Abdisamad oo kamid ahaa wariyayaasha ugu mudada dheer ee warbaahintaas ka shaqaynayay.

Abdulkhaaliq oo ku biiray Al Jazeera 1997 isla markaana ka shaqaynayay in ka badan 26 sano ayaa dhawaan shaqada laga eryay kadib markii uu dhex galay khilaafka u dhaxeeya Marocco iyo Aljeria.

Bartiisa twitterka ayuu ku naqdiyay warbixin laga sii daayay telefishinka rasmiga ah ee Aljeeriya kaasi oo uu ku eedeeyay in uu u gafay haweenka dalka Marocco oo Abdulsamad uu kasoo jeedo.

Falcelin balaaran ayaa arintaas ka dhalatay iyada oo baraha bulshada garab istaag loogu muujiyay wariyahan. Shacabka Qadar ayaa qaybtood sheegay in uu xiligii la go'doomiyay dalkooda la jiray iyaguna ay maanta garab taagan yihiin.

Cabdisamad oo tan iyo intii ay arintaani soo baxday aan hadal ayaa muuqaal gaaban oo uu soo dhigay bartiisa twitterka waxaa uu ku sheegay in uusan ka hadlaynin wixii dhacay Aljazeerana ay tahay meel uu tacab badan ka galay.

In uu ku laaban doono dalkiisa Marocco ayuu sheegay isaga oo tilmaamay in uusan Tv-ga u qabanayn khalad uu sheegay in ay dad gaar ah galeen.

Aljazeera oo ay ka wada shaqeeyaan wariyayaal kasoo kala jeeda wadamo badan ayaa xiliyada qaar waajaha hardan dhexdooda ah iyaga oo inta badan ka fogaada in ay barahooda bulshada ku muujiyaan aragtiyaha dalalkooda isla markaana ay u hogaansamaan hanaanka tifaftirka Al Jazeera.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM