Xisbullah oo in ka badan 5,000 gantaal ku weerartey Yahuuda

Image
Weeraradan ayay kooxda hubeysan qaadey tan iyo dhacdooyinkii October 7 ee xoogaga Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - Kooxda Xisbullah ee Lubnaan ayaa “kordhinaysay” weerarrada ka dhanka ah jiidda woqooyi ee Israa’iil, “taasoo halis gelinaysa mustaqbalka Lubnaan,” sidda ay sheegeen ciidammada Israa’iil.

"Xisbullah waxay soo riday in ka badan 5,000 oo gantaal, gantaalada lidka taangiyada iyo UAVs (gaadiidka aan duuliyaha lahayn) tan iyo dhacdooyinkii Oktoobar 7," afhayeenka ciidamada Daniel Hagari ayaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu baahiyay Channel 12 ee Israel.

"Xisbullah gardarrada sii kordhaysa waxay ina keenaysaa qarka u saaran waxa noqon kara fidno ballaaran, mid cawaaqib xun ku yeelan karta Lubnaan iyo gobolka oo dhan," ayuu raaciyay.

Hezbollah ayaan wax hadal ah ka soo saarin eedeynta afhayeenka ciidamada Israel.

Xiisado ayaa ka taagan xadka Lubnaan uu la wadaago Israa’iil iyadoo ay jiraan weeraro dhanka xadka ah oo u dhaxeeya Xisbullah iyo ciidamada Israa’iil iyadoo Tel Aviv ay horudhac u tahay duullaanka dilaaga ah ee ay ku qaadayso Gaza ee go’doonsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM