Xisbullah oo weerar afka ah ku qaadey boqorka Sacuudiga

Image
Hezbollah ayaa dhawaanahan isha ku haysay xulafada muhiimka ah ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Xorta ah.

BAYRUUT, Lubnaan - Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah, Xasan Nasrallah, ayaa ku eedeeyay Sacuudiga inay dhoofiyaan fikirka ISIL, ayna u daabulaan baabuur lagu soo rakibay walxaha qarxa oo ay u adeegsadaan weeraro ismiidaamin ah oo ay ku qaadaan Ciraaq.

Khudbad uu telefiishanka ka jeediyay Isniintii, ayuu luuqad adag kula hadlay Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Nasrallah waxa uu sidoo kale ku canaantay Boqortooyada Sacuudiga inay xiriir dhow la leedahay Mareykanka iyo ololaha Milatari ee ay ka wado Yemen.

Hadalka Nasrallah ayaa jawaab u ah mucaaradka siyaasadeed iyo kuwa dhaleeceeya Lubnaan kuwaas oo ku dhaleeceeyay xisbiga ay Iran taageerto inuu dhaawacayo xiriirka ka dhexeeya waddanka lacagta caddaanka ah iyo Sacuudi Carabiya.

Lubnaan ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xalin lahayd khilaafka dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya Sucuudiga, Baxrayn, Imaaraadka Carabta iyo Kuwait. Wadamadani waxay aad u dhaliili jireen Xisbullah doorkooda Yemen iyo colaadaha kale ee gobolka.

Bishii Oktoobar, dalalka Khaliijka ayaa kala baxay safiiradooda, Sacuudi Carabiya ayaa mamnuucday dhammaan agabka loo dhoofinayo Lubnaan, ka dib markii uu soo baxay muuqaal uu wasiirkii warfaafinta ee xilligaas George Kordahi ku dhaleeceeyay dagaalka xulafada Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Yemen.

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan ayaa khudbad uu todobaadkii hore jeediyay ugu baaqay Lubnaan inay mamnuuco “Xisbullah ayna aqoonsato argagixisanimada ay ku hayso dawladda Lubnaan”.

Hezbollah ayaa dhawaanahan isha ku haysay xulafada muhiimka ah ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Xorta ah, mid ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ugu muhiimsan Lubnaan, oo uu aasaasay Madaxweyne Michel Aoun kaasoo haatan wajahaya mucaaridad aad u xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM