XMS & Israa’iil oo ku dhow inay isla qaataan Xabbad joojin

Image

QASA (GO) - Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh, ayaa ku sheegay bayaan uu mid ka mid ah kaaliyayaashiisa u diray wakaaladda wararka ee Reuters in Xamaas ay ku dhowdahay inay heshiis nabadeed la gaarto Israa'iil.

Mas'uul ka tirsan Ururka ayaa sidoo kale sheegay in xabbad joojinta ay gundhig u tahay heshiis kasta oo ay gaarayaan labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in mid ka mid ah shuruudaha wada xaajoodka ay tahay in lagu soo celiyo xaalada maxaabiista Falastiiniyiinta sidii ay ahaan jireen ka hor howlgalka “duufaanta Al-Aqsa”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa mar sii horreysay shaaca ka qaaday in labada dhinac ay ku dhowyihiin inay gaaraan heshiis lagu sii deynayo maxaabiista ay Xamaas ku hayaan Marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM