XMS oo diidday in Falastiin & Israa’iil ay noqdaan laba dal oo kala madaxbanaan

Image
Meshaal ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xamaas aysan aqbali doonin xalkan.

Qasa (GO) - Madaxa Xamaas ee dibadda, Khaled Meshaal, ayaa ku nuuxnuuxsaday diidmada ururka iyo shacabka falastiin ee xalka labada dawladood ah oo ah in Israa’’iil iyo Falastiin ay yeeshaan laba dal oo kala madaxbanaan.

Meshaal ayaa yiri: “Dadkeennu waxay dalbanayaan xornimo, ka takhalusida gumeysiga, madaxbannaanida, iyo aasaaska dawladda Falastiin”.

Meshaal waxa uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in Xamaas aysan aqbali doonin xalkan, isaga oo yiri: “Waxay ka dhigan tahay in aan aqoonsano maamulka Sahyuuniyadda, oo aan dowlad ku badalano”.

Meshaal ayaa yiri: "Maxay Falastiiniyiintu u tahay inay qaataan shan meelood meel dhulka Falastiin?” Wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in mawqifka shacabka Falastiin uu yahay in dawlad looga dhiso badda ilaa wabbiga oo qeyb ka ah dhulka ay Israa’iil haysato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM

Omar Fateh oo Aqbalay Guuldarradiisa Doorashada Duqa Magaalada Minneapolis

Haddii uu guuleysan lahaa, Omar Fateh wuxuu noqon lahaa duqii ugu horreeyay ee Muslim ah, Soomaali Maraykan ah.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 05:24AM