XMS oo warmurtiyeed ka soo saartay halka uu marayo heshiiska Xabadjoojinta

Image
XMS ayaa eedeymo Culus u jeedisay Israa'iil iyada oo ay wali sii socdaan wadahadallada.

Qasa (GO) - Dhaqdhaqaaqa XMS ayaa xaqiijiyay in ay muujiyeen dabacsanaanta loo baahan yahay si loo gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka Marinka Qasa, kuna eedeesay Israa’iil inay ka baxsanayaan fulinta qodobadaa heshiiska.

Xamaas ayaa bayaankeeda ku sheegtay: “Waxaan muujinay dabacsanaantii loo baahnaa iyada oo ujeedadu ahayd in la gaaro heshiis lagu joojinayo gardarada ka dhanka ah dadkeena, laakiin Israa’iil waxay weli ka caga jiidaysa meelmarinta heshiiskan.”

Warmurtiyeedka Ururka ayaa lagu yiri: “Waxaa sii wadi doonnaa wadaxaajoodka ay garwadeen ka yihiin wadamada walaalaha ah si loo gaaro heshiis fulinaya baahida iyo danaha dadkeena.”

Ilo sare oo ka tirsan dowladda Masar ayaa u warbaahinta in wadahadallada Israa’iil iyo XMS ay weli wajahayaan Caqabado, iyagoo xusay in wareeg cusub la qaban doono maanta oo Arbaco ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM