Xubnaha shabakada ugu weyn dambiyada aduunka oo la qabtey

Image
Toban dal ayaa ka qeyb-qaatay howlgalkan oo dhabaha u xaarey in lala wareego malaayiin doolar.

ROMA, Italy - Booliska qaaradda Yurub ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 100 qof kadib howlgal ka dhan ah kooxda Maafiyada ee ugu awooda badan dalka Talyaaniga, sidda ay warisay warbaahinta.

Taliska guud ee ciidamadan ayaa dhaqdhaqan ku tilmaamay "howlgalkii ugu weynaa" ee abid lagu beegsado Ndrangheta - oo ah mid ka mid ah shabakadaha geysta dambiyada ugu weyn adduunka.

Toban waddan ayaa ka qeyb-qaatay howlgalkan oo dhabaha u xaarey in gacanta lagu soo dhigay hanti qiimaheedu dhan yahay €25m (£22m) ama $27 milyan oo doolar-ka Mareykanka ah.

Inta badan dadka la qabtay ayaa laga helay gudaha Talyaaniga, iyadoo tuhmanayaasha loo heysto eedeymo la xiriira ka ganacsiga maandooriyaha caalamiga ah, lacag dhaqid iyo haysashada hub.

Dacwad-oogayaasha ka hortagga maafiyada waddanka Talyaaniga ayaa carabka ku adkeeyay in "Howlgalka Eure-ka" uu ahaa mid aan horay loo arag marka loo eego cabbirka.

Baadigoobkan socday saddex sano waxaa ka qeyb-qaatay Italy, Germany, Belgium, Portugal, Spain, Slovenia, Romania,  Brazil iyo Panama, sida ay sheegtay hay'adda booliska Midowga Yurub ee Europol.

"Gudaha Talyaaniga, 108 tuhmane ayaa la xiray, halka in ka badan 1,000 kale laga soo kala qabtey unug ka shaqeeya dambiyada abaabulan iyo argagixisada," ayay Europol ku tiri war-saxaafadeed.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxaa xoogeystay la dagaalanka Ndrangheta. Gulufkan waa guul weyn oo u soo hoyatay dacwad oogayaasha ka hortagga maafiyada ee Talyaaniga iyo qaarada Yurub dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM